Miyaa Masiirka Ummada Lagu Aamini Karaa Siyaasiyiin Shisheeye U Shaqeeya

Somalia news

Iyadoo Ololaha doorashada Somalia u galay todobaadyadii u dambeeyay, ayaa waxaa aad u kordhay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo sameynta Dowladaha Carabta iyo Geeska Afrika ayna laba jibaareen xod-xodashada iyo yabooha dhaqaalaha Ee Doorashada Ee Siyaasiyiinta masiirka Ummada Mugdi geliyay…

Warbixinada la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa sheegaya in Magaalada Nairobi ay ku kulansan yihiin Hogaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka intooda badan, waxeyna ka wadaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo baada goobta Maalgelinta dhaqaalaha Doorashada iyagoo ka sugaaya Dalalka Sacuudiga iyo UAE. halka Agaasimaha NISA Adeege Fahad Yaasiin oo wakiil ka ah Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu shalay dib ugu laabtay Muqdisho, kadib safar todobaad qaatay uu joogay Magaalooyinka Addis abeba, Dooxa iyo Ankara, waxaa uu horay u maray Addis Ababa, halkaasoo kula kulmay Taliyeyaasha Sirdoonada Ethiopia iyo Eritrea.

Sidoo kale Fahad waxaa todobaadyadii ka sii horreeyay tagay magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo todobaad soo joogay, inta badan safaradan arrimaha doorashada ayay salka ku hayeen.

Nairobi waxaa dib ugu laabtay Sheekh Shariif iyo C/raxmaan C/shakuur oo labadaba muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Dubai.

Marka loo eego dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed iyo ololaha safar ee ay galeen Fahad oo gadaal ka taagan Farmaajo, Kheyre, AAW iyo Shariif waxaa moodaa in Ololahooda yahay mid xooggan oo Saldhig dibadeed leh, Hadaba, Akhristow Dalkaan Dan ma yahay Hogaamiyayaasha u adeegaha Dalalka Shisheeye iney maamulaan Masiirka Ummada Soomaaliyeed.

68190cookie-checkMiyaa Masiirka Ummada Lagu Aamini Karaa Siyaasiyiin Shisheeye U Shaqeeya