Dagaalo Beeleed Ka Kala Dhacay Gudaha Magaalada Ceergaabo iyo Duleedka Buuhoodle…

Somalia news

Faafaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaalo beeleedyo ka kala dhacay Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag iyo Duuleedka magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer kuwaasoo geystay Tiro dhimasho iyi dhaawacyo kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay…

Wararka ayaa sheegaya in Rasaas xoogan ayaa xalay fiidkii in muddo ah ka socotay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, sida dad ku sugan magaaladu sheegeen rag hubaysan ayaa weeraray saldhig ay ku xirnaayeen Eedeysanayaal lagu soo qabtay khamri, iyadoo Dhalinyaro kasoo horjeeday xariga kooxda la sheegay iney ku lug lahaayeen ka ganacsiga maandooriyaha, ayaa dhagaxaan ku jaray qaar kamid ah wadooyinka magaalada.

Dhanka kale, Dagaal beeleed ayaa shalay ka qarxay Baliga Maska-Buqle oo ka tirsan dhulka hawdka Degmada Buuhoodle, Ilaa 10 ruux ayaa ku geeryooday dagaalka ka dhacay degaanka, Dagaalka ayaa salka ku haya is-haysi dhul daaqsin oo u dhexeeya labada beel, Sidoo kale, dhaawac fara-badan ayaa ka dhashay dagaalka oo socday saacado badan. 

Weli xiisad dagaal ayaa ka taagan goobihii lagu dagaalamay, mana jiraan dadaalo lagu joojinayo colaadda, iyadoo dhinacyada ay kala gaareen gurmadyo, Dagaal beeleedka ka bilowday Togdheer ayaa kusoo aadaya xilli 25kii bishii August, looga itaal roonaaday Xoogaga Somaliland duulaan muddo 8 bilood ah uu ku ahaa magaalada Laascaanood.

280820cookie-checkDagaalo Beeleed Ka Kala Dhacay Gudaha Magaalada Ceergaabo iyo Duleedka Buuhoodle…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com