Muxuu Ku Dambeyn Doonaa Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Farmaajo

Somalia news

Hogaamiye kooxeedka soo daahay ee Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ahaa ku ekaa 8 February ayaa si caqliga iyo Sharciyada Dalka ka baxsan u kororsaday labo sano ah, Talaabadaan uu qaaday ayaa u horseeday in ciriiri siyaasadeed iyo khalkhal amni ay ka dhalato, waxeyna caqabad ku noqon doontaa mustaqbalkiisa siyaasadeed….

Arrinta ugu weyn ayaa ah warka habeenkii xalay ka soo yeeray Farmaajo ee ah inuu doonaayo inuu la kulmo Midowga Musharixiinta oo hadda ku haya cadaadiska ugu weyn iyo inuu oggol yahay in saami qeybsi la la wadaago, ayaan darrase waxaa loo sheegay Fariin qaadayaasha in Xiligii wada hadalka laga soo gudbay.

Labada Madaxweyne Dowlad goboleed ee gacansaarka la leh Farmaajo, kan Galmudug iyo kan Hirshabelle ayaa waxaa dhankooda soo wajahay culeys siyaasaded kuwaasoo noqdey hashii laba midigluhu dheelmay, Midowga Musharixiinta ayaa u direy Qoor-qoor iyo Guudlaawe in ay laba mid soo galaan oo caddeeyaan mowqifkooda ku aadan labada sano ee Farmaajo xilka kororsadey iyo in laga tashado.

Waxaa la is weydiinayaa ujeedada uu Farmaajo kalahaa Fariintaan raqiiska ah oo wakgtiga lagu luminaayo.

  • Iyadoo la xusuusan yahay Hab-dhaqankii liitay Ee uu kula kacay Madaxweynayaashii hore oo hoggaamiya Midowga Musharixiinta ay Farmajo isugu yimaadeen aaskii Cali Mahdi Maxamed, isagoo aan salaanta ka qaadin uu dib u laabtey.
  • 19-kii Febaraayo isku day dil Ee Madaxweynayaashii hore ku xabadeyey Hotelkii ay deganaayeen oo uu ku go’doomiyey, iyada oo Xassan Sheekh Maxamuud sheegay in ay ahayd dil ay ka badbaadeen, halka 19 Febaraayo uu xabbad la dhacay dadkii mudaaharaadaayey oo ay kamid ahaayeen raysalwasaarihii hore oo hadda kamid ah Musharixiinta.
  • Wuxuu dhegaha ka fureystay/diidey dalabayadii Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ee ah in talada wax laga siiyo Midowga Musharixiinta ee u hadda doonaayo la kulmo.
  • Intaas oo arrimood oo taagan, ayuu ALBAABKII wada hadalka si toos ah u xirey isaga oo dalabdey in muddo laba sano ah mudada loogu daro, taasoo qaraar ku soo saareen mid kamid ah labadii Aqal ee doortey, Golaha Shacabka ee muddo xileedku ka dhamaadey, talaabadaan oo dab iyo baasiin sii shiday xaaladda dalka una jiheeyay dagaal sokeeye.

Maalintii shalay waxaa looga yeeray Xalane, wuxuuna kulan la qaatey kooxda la isku yiraahdo C6+ ee ay kamid yihiin UNSOM, IGAD, AU, EU, UK, US, Sweden, Italy. Kooxdan ayaa kala hadley sida aysan marnaba u aqbaleyn muddo kororsi, sida ay horey u sheegeen iyo tallaabooyinka ay qaadayaan haddii aan dib loogu laaban 17 September heshiiskii ahaa oo ah xalka keliya ee dalka u furan.

Farmaajo oo isticmaalaya tabihiisi uu horey ugu sheegay ayaa ku doodey inuu la ballansan yahay Midowga Musharixiinta heshiisna ay wada gaarayaan, si lamid ah Deni iyo Madoobana uu heshiis la gaarayo Baarlamaanka dib u mideynaayo, laakiin wakhti la siiyo, (72-saacadood).

Waxaana maanta hor yaala saddex daran mid dooro.

  • In uu waxba kama jiraan ka soo qaado qararaarkii Baarlamaanka isaguna saxiixay taasna waxa uu u baahan yahay inuu helo sabab iyo wax uu weji-gabaxa isaga dhaqo (face saving).
  • Inuu is casilo una daneeyo mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo Maleeshiyaadka Beeshiisa Ee ku go’doonsan Muqdishu si dalka doorasho wadar oggol degdeg ah loogu jiheeyo.
  • Wixii intaas ka soo harey waa inuu dalka dib ugu celiyaa wadadii dagaalka, qaxa iyo rafaadka lahayd ee isagu aanu markhaantiga ka ahayn, wixii dhacay keliya inuu ka daawado shaashadaha caalamka.
112020cookie-checkMuxuu Ku Dambeyn Doonaa Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Farmaajo