Villa Somalia Oo Dhaqaale Ku Bixineysa Fashilinta Kulanka Beelaha Hawiye

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Adeegayaasha Hogaamiye kooxeedka soo daahay oo 24-kii shaac ee ugu dambeysay wadaan abaabulo lagu doonaayo in lagu fashiliyo Kulanka guud Ee Beelaha Hawiye, waxaana la sheegay in dhaqaale badan lagu bixiyay sidii loo hor istaagi lahaa inuu qabsoomo Kulankaasi….

Ilo wareedkaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u uu xaqiijiyay in Xafiisyada Wasiirka 1-aad ee Xil Gaarsiinta uu qarash badan ku bixinaayo sidii loo fashilin lahaa Kulanka Beelaha Hawiye oo lagu wado inuu berito ka furmo Magaalada Mogadishu, iyadoo lagu wado in la iskugu keeno Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Xildhibaanada iyo Waxgaradka Beelaha Hawiye, kuwaasoo go’aan cad ka qaadan doona Muddo Kordhinta sharci darrada ah iyo in laga tashado aayaha Caasimadda iyo Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hir-shabelle.

Farmaajo iyo adeegayaashiisa ayaa dedaal iyo qarash ku bixinaayo sidii hoos loogu dhigi lahaa saameynta Kulanka Beelaha Hawiye iyo Ciidamada Saadaq John oo dhufeysyo hor leh ka qotay xaafadda Shiirkole, kaasoo taageero mug leh ka helaayo Qeybaha kala duwan Ee Bulshada.

112110cookie-checkVilla Somalia Oo Dhaqaale Ku Bixineysa Fashilinta Kulanka Beelaha Hawiye