Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal-Beeleedka ka Qarxay Gobolka Mudug..

Somalia news

Iyadoo Dhowrkii sano ee ugu dambeysay Beelo wada degan Degaanada Dalsan, Laan-waaley iyo saaxo-Wanaag ay nabad iyo iskaashi dhinaca horumarka ah ku wada joogay Gobolka, kadib heshiiskii ay sanadkii 2020 ku gaareen Degmada Bandiiradley Beelaha Leelkase iyo Sacad…

Waxaa shalay dib u qarxay Dagaal beeleedkaan kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhawaac isugu jira kuwaasoo la kala geeyay Waqooyiga iyo Konfurta magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, dirirtaan ayaa salka ku haya daaqa iyo waraabka degaanada, iyadoo ay Maamulada Galmudug iyo Puntland soo saareen baaqyo Nabadeed.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Xoogaga Amaanka ee isku dhafka ah ee gobolka Mudug loo diray degaanada lagu dagaalamay si ay u kala dhex galaan beelihii diriray, Guddiyo wadajir ah oo ka socda Puntland iyo Galmudug ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay sii wadaa waan-waanta beelihii dagaallamay si loo dhammaystiro nabadaynta.

280030cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay Dagaal-Beeleedka ka Qarxay Gobolka Mudug..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com