Boliiska Dowlad Goboleedyada oo helay Awoodo Dheeri ah Oo Howlahooda Khuseeya

Somalia news

Waxaa magaalada Kismaayo lagu soo gabogabeeyay shir ay yeesheen Taliyayaasha Boliiska Gobolada iyo Midka Federaalka, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah oo khuseeya Howlaha Boliiska, waxaana laga soo saaray go’aano waji cusub u yeelaya awoodaha kala xadeysnaa ee Taliska Boliiska…

Wararka ayaa sheegay in lagu heshiiyay in Boliiska Gobolada loo oggolaaday awoido dheeri ah sida Dhismaha Laanta Baarista Dembiyada oo loo bixiyay (CIU) halka mida Federaalka loo daayay magaceedii hore Hogaanka Baarista Dembiyada (CID), iyadoo sidoo kale loo oggolaaday iney dhistasn Boliiska ilaalada Xeebaha.

Waxaa kaloo lagu heshiiyay iney Laanta Miino baarista Boliiska laba heer laga kala dhigo, waxaa kaloo laga dooday Xarumaha Dhaqan celinta Maleeshiyaadka ee (DDR), iyadoo Saaxiibada Somalia ay joojiyeen maalgelintii mashruucaasi, isla markaasna ay horey u maamuli jirtay Hey’adda NISA ayaa hadda waxaa loo madax baneeyay Boliiska iyadoo Dowladda Federaalka laga codsaday iney dhaqaale u raadiyaan maalgelinta Mashruucaan.

Heshiisyadaan muhiimka ah ayaa waxaa ka maqnaa Boliiska Dowlad Goboleedka Puntland, kadib markii Madaxweynaha Maamulkaasi oo hakiyay xiriirkii wada shaqeynta ee Dowladda Federaalka, isla markaasna uu soo saaray in laamaha maamulka aysan wax xiriir ah la yeelan Dowladda Federaalka.

246040cookie-checkBoliiska Dowlad Goboleedyada oo helay Awoodo Dheeri ah Oo Howlahooda Khuseeya