Muxuu Salka ku hayaa Safarka Qorsheysan ee Madaxweynaha Somalia ku tegaayo Magaalada Copenhagen…

Somalia news

Madaxweynaha Somalia ayaa lagu wadaa inuu maanta Safar ku gaaro magaalada Copenhagen ee Dalka Denmarka, iyadoo muwaadiniinta Soomaaliyeed iska weydiinayaan Dal dhaaqalihiisu hooseeyo ay Mas’uliyiinta Hogaanka Dalka Safaro laga baaqsan karay ku bixiyaan dhaqaalo badan xilli abaaro iyo dagaalo degaano badan ka jiraan…

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Safarka Madaxweynaha uu daaran yahay sidii Dowlada Denmark sidii uu ugala xaajoon lahaa arrimo ay ka mid yihiin Amniga, Dhaqaalaha iyo NGO-yada, Safarka ayaa qaadan doona muddo 2-maalmood ah, waxaana la iska weydiinayaa dhaqaalaha ku baxa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa, iyadoo la sheegay in 95.000 US$ laga bixiyay Khasnada Dowlada looguna tala galay Sahay Safar.

Dhanka kale, Wasiirka 1-aad ( qaatay 100.000 US$ Safarka S/Korea) iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale Safaro ku qaatay Sahay, iyadoo welwel laga muujiyay hab-dhaqanka hooseeya Madaxda Dalka kuwaasoo la xiriira kharashaadka xad-dhaafka ah ee Canshuuraha laga qaado Shacbiga Magaalada Mogadishu, iyadoo falalka noocaan oo kale ah ay ku soo beegmayaan xilli xaalada Dhaqaale ee Dalku uu liito ayna gunno la’aan yihiin Shaqaalaha iyo Ciidamada Dowlada Federaalka.

330690cookie-checkMuxuu Salka ku hayaa Safarka Qorsheysan ee Madaxweynaha Somalia ku tegaayo Magaalada Copenhagen…