Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Heshiiska Laga Gaaray Ciidamadii Gedo

Somalia news

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helay dhinacyada dawlad goboleedyada iyo Madaxtooyada Villa Somalia ayaa shegaaya in dhamaan Caqabadihii hortaagnaa furitaanka shirka Dawlada Federaalka iyo Dawlad goboleedyada ayaa intoodii badnayd la xaliyay, Iyadoo uu Mr.Farmaajo ka tanaasulay qodobadii ugu adkaa ee hor Taag as inuu shirku u furmo….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Qodobada la isku hay ay waxaa ka mid ahaa:-

-In Ciidamadii dawladdu gaysay gobolka Gedo dib loo soo celiyo, si awooda maamul ee gobolkaas ay ula wareegaan maamulka Jubaland ee uu Sheekh Axmed Madoobe hogaamiyo.

-In shirka ay ka soo qaybgalaan 3-

-Maamlada Shirka ka maqan si deg deg ah loogu yeero si hore loogu sii ambaqaado, dib u sixidna loogu sameeyo shirkii Dhuusamareeb-3.

Waxaa kale oo la filayaa in shirkaas ay ka qaybgalaan labada Gudoomiye Baarlamaaka ee Mursal iyo Cabdi Xaashi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la sameeyay guddi farsamo oo laba dhinac ah oo uu ku jiro C/rashiid Janan oo matalaya dhanka Jubbaland.

Barrito ayaa la filayaa in ugu yaraan laba diyaaradood loo diro gobolka Gedo si ay ciidamada u soo daabulaan, waloow aan tafaasiil laga bixinin ciidamadaas tiradooda iyo hadii qaar ka mid ah ciidamada dawladda lagu reebayo gobolka.

Dhanka kale waxaa magaalada Muqdisho ka socda qabanqaabada Kulan aad u balaaran oo qaar ka mid ah beelaha Muqdishu u samaynayaan labada madaxwayne ee Siciid Dani iyo Axmed madoobe.

Waxaa la filayaa hadii aanay wax iska badalin heshiiska labada dhinac in Shir loo dhan yahay uu ka furmi doono muqdisho, kaasoo soo afjari doona khilaafkii muddo ka taagnaa arrimaha doorashada.

58950cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Heshiiska Laga Gaaray Ciidamadii Gedo