Barakacii Balaaran oo ka Socda Xaafadaha Magaalada Baledweyne & Cabsida ka Dambeysa..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ayaa sheegaya Qoysaskii ugu badnaa ayaa dhowrkii saacadood ee lasoo dhaafay ka barakacay Xaafadaha Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasoo ka cabsi qaba inuu fatahaad sameeyo Wabiga Shabeelle oo dhexmara gudaha Baledweyne…

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in Xaafadaha Xaawo Taako, Bundaweyne iyo Kooshin ayaa ah Xaafadaha ugu badan ee sida weyn looga  barakacay, waxaana la arkayay Qoysaskii dagana xaafadahaasi oo u barakacaya goobo kala oo aysan gaari karin biyaha wabiga Shabeelle, Dadka ayaa intooda badan u barakacaya Xaafada Ceel jaalle ee duleedka magaalada Baledweyne iyo goobaha kale ee taaga ah oo aysan biyaha gali karin ee ku yaala gudaha magaalada Baledweyne.

Cabsida barakacaan ayaa timid kadib markii ay si weyn u soo kordheen biyaha uu wado Wabiga, islamarkaana roobab xoogan oo mahiigaan ay ka da’ayeen saacadahii lasoo dhaafay magaalada Baledweyne iyo deegaanada ku dhadhaw.

286410cookie-checkBarakacii Balaaran oo ka Socda Xaafadaha Magaalada Baledweyne & Cabsida ka Dambeysa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com