Deeqda Hubka Ee Masar Iyo Qiimaha Hubka

Politics

Warbixino laga diyaariyay Hub ay Dowlada Masar ugu Deeqday Somalia iyo heerka kala Iibsiga Suuqa hubka iyo Rasaas ayaa la sheegay inuu sicir barar iyo kor qiimo ku yimid hubka noocyadiisa kala duwan iyo Rasaasta, iyadoo la sheegay inuu gabaabsi galay Hubka lagu iibiyo ee Magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku xeeran, waxaana ugu wacan cabsi dagaal iyo muddo kororsiga Maamulka Farmaajo qorsheystay….

Dowladda Masar ayaa shixnad hub ah ugu deeqday Maamulka Farmaajo taasoo ujeedada ka dambeysay ay aheyd sidii loo wanaajin lahaa xiriirka maamulka Farmaajo maadaama uu dagaal dhanka biyaha webiga Nile uu kala dhexeeyo Ethiopia, Hubka aya dowladda Somalia lagu wareejiyay bartamihii bishii Febraayo ee sanadkan 2020 iyadoo Somalia ay saaran tahay cunaqabateynta hubka ee Golaha Jamciyadda Qaramada Midoobay ay saartay Somalia.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in dhamaan shixnadaan Hubka ah laga bixiyay Keydka Hubka ee Bakhaarada, waxaana lagu raray Diyaarad oo laga dejiyay magaalada Beydhabo waxaana la dhigay Bakhaar aad loo ilaaliyo oo uu iska leeyahay Mr.Lafta gareen, wararka ayaa sheegaya in loo wado Gobolka Gedo,

Dhanka kale, Kormeer iyo baaris lagu sameeyay Suuqyada kala duwan ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu  ogaaday in Bastooladaha Belgium-ka lagu kala Iibsado US$ 2000, halka Teeteda iyo Makarov-ka ay u dhaxeeya an 800-US$ ilaa 1300, Qoriga Ak-47 oo ahaa markii hore 1500-US$ ayaa Gaaray 2000-US$  halka Qiimaha rasaasta Qorigaasi ay horey u aheyd $1- doolar, wuxuu Gaaray xabadii 3-US$.

Qoriga Bkm Oo markii Hore lagu kala iibsan jiray 10,000 US$, wuxuu Gaaray 15,000 US$ ah, waxaa sidoo kale aad u dhooban Qoriga Dhashikaha Oo la kala siisto 13-15-Kun US$, aad ayuu yaala suuqyada Magaalada Muqdisho, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gabaabsi ka ah Qoriga Lidka Diyaaradaha ee Zuuga 23-mm iyo 37-ka mm iyo rasaastooda.

Sare kaca Qiimaha Hubka ayaa Khubarada Xagga Amaanka ku micneeyeen in Xiliga uu Dalka cagaha la galay xili kala guur ah iyo Cabsida dagaal oo laga qabo iney Maamulka Villa Somalia ay xoog muddo kororsi sameystaan oo ay ka ansaxsadaan Barlamaanka, waxaana Talaabadaan aad uga soo horjeeda Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Xisbiyada Mucaaradka.

37440cookie-checkDeeqda Hubka Ee Masar Iyo Qiimaha Hubka