Wararka naga soo gaaray magaalad Qardho ee Gobolka Bari (Puntland) ayaa sheegaya in Oday Dhaqameedka Beelaha Cusmaan Maxamamuud ( Majeerteen) uu qoraal uu soo dhigay Bartiisa Bulshada (Facebook) uu ku qoondeeyay kuraasta Xildhibaanada Federaalka ay saami ahaan ugu leedahay beeshu…
Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulan uu la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee 3-da Jufo oo Ku tartami doona 2-Kursi ee Xildhibaanada Baarlamaanka, halka kursina loo qoondeeyay Qoondo Haween, isagoo go’aamiyay in Jufooyinka Bah-Yacquub & Bah-Dubeys ay hal kursi ku tartamaan halka Bah-gareen ay kursi qoondo Haween ay ku tartamaan.
Ujeedo: Qoondeynta Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Beesha Cismaan Maxamuud
Maanta oo taariikhdu tahay 08 Febaraayo 2022 kuna beegan Rajab 7, 1443, waxaa magaalada Bosaso ka dhacay shir ay isugu yimaadeen odoyaasha saddexda beelood ee doonaya in ay helaan labada xubnood ee Golaha Shacabka Dowladda Soomaaliya.
Sida la wada og yahay 275-ta xubnood ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalku waxay ku dhisan tahay hab qaybsi beelaha waxaana weli loo gudbin in deegaan lagu saleeyo kuraasta, sidaas darteed waxay ka soo bilaamataa shirkii Carta ee sanadkii 2000.
Saddexda xarig ee tirsanaya taraha ayaa kala ah Xariga Bah Gareen, Xariga Bah Yaaquub iyo Xariga Bah Dubeys (Xariga Garoowe).
Beesha Bah Gareen ayaa kursi ka heshey Baarlamaankii u horeeyey ee lagu soo dhisey magaalada Carta sanadkii 2000. Beesha Bah Yaaquub ayaa iyaduna heshey sanadkii 2004, halka beesha Bah Dubeys ay heleen xubin baarlamaan sanadkii 2009, labada xubnood ee Bah Yaaquub iyo Bah Dubeys waxay isla dhaceen sanadkii 2012.
Markii la waayey xarig tanaasula, waxaan guddoominey oo cuqaasha isla qaadaney in.
Labada xarig ee Bah-Yaaquub iyo Bah-Dubeys ay hal kursi ku tartamaan,
Xariga Bah Gareen ayaa loo gartey in ay mudan yihiin in ay u tartamaan kursiga kale oo keligood leeyihiin.
Maadaama haweenku ay qoondo gaar ah ku lee yihiin baarlamaanka, waxaan isla qaadaney in beesha heshey kursiga keligeed ee Xariga Bah Gareen ay qaataan qoondada Haweenka oo ay keenaan DUMAR.
Wabilaahi Towfiiq
Boqor Burhaan Boqor Muuse