Ma Dhabaa in Laamaha Bangiyada Garoowe ay Joojiyeen Deymihii & Maalgelinta Mashruucyada…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa si hoose u sheegay in Laamaha Bangiyada Magaalada Garoowe ay joojiyeen gebi ahaan Deymihii iyo Maalgelintii ay ku taageeri jireen Muwaadiniinta degaanka oo sanadihii ugu dambeeyay aad u kordhaayay, lamana yaqaano sababta ku riixday…

Wararka ayaa sheegay in Howlwadeenada Bangiyada ugu yaraan 3-dii bilood ee u dambeysay ay ka fiirsanaayeen bixinta adeegyada Deymaha iyo Maalgelinta, haatana ay gebi ahaan hakiyeen, cabsi ka jirta dagaal ka dhaca gudaha magaalada, talabadaan ayaa ku soo hagaagtay, iyadoo magaalada gudaheeda ay isku horfadhiyaan laba Maleeshiyo beeleed oo kala taageersan Maamulka iyo Mucaaradka.

Hubanti la’aanta ku dhaqanka Dastuuriga ayaa soo shaac baxday, iyadoo Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, Culumaa’udiinka, Haweenka iyo Siyaasiyiinta degaanka ay bilihii ugu dambeeyay ka digayeen in aan lagu deg degin myddo kordhinta iyo in si wadar oggol ah doorashada lagu galo, iyadoo Dhaqaalaha degaanka laga dareemay cabsi ku riixday dib u gurashada Bangiyada.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Mr.Deni oo dhawaan qaabilay Guddi ka socda Baarlamaanka Puntland uu culeys ku saaray in Maamulkiisa uusan wax wada-hadal iyo gorgortan ah ka geli doonin socod-siinta doorashada qof iyo cod, sidaas darteedna uu rabo in Baarlamanku sida ugu dhakhsaha badan maalinta khamiista u ansixiyaan xeerka Doorashooyinka.

Wuxuna ka dalbaday in la kala qaado doorashada Madaxtooyada iyo Baarlamanka, islamarkaana doorashada Madaxweynaha loo daayo 25 Feb 2024 tan Baarlamankana dib loo dhigo mudda laba sano ah, Xeerkan oo ay Baarlamanka u soo gudbisay Maamulka Deni ayaa jihaynaya hannaanka doorashooyinka qof iyo cod, oo aan heshiis lagu ahayn, islamarkaana xiisad siyaasadeed ka taagan tahay.

288990cookie-checkMa Dhabaa in Laamaha Bangiyada Garoowe ay Joojiyeen Deymihii & Maalgelinta Mashruucyada…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com