Rooble “Xildhibaan Amina waxaa dishay gacantii ka dambeysay Dilka Ikraan Tahliil” 

Somalia news

Kulan Duco & baroor-diiq ah oo Shacbiga Magaalada Mogdishu u kala harin, ayaa xalay lagu qabtay hoteel ku yaal magaalada Mogadishu, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka, Madaxweynayaashii hore, Xubno ka tirsan midowga Musharixiinta, Xildhibaano & Marti sharaf kale…

Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in gacantii dishay Ikraan Tahliil Faarax ay dishay Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi, isagoo intaasi raaciyay “Waa nool yihiin kuwii kharashka ku bixiyay ninkii Amina isku qarxiyay ee ka soo waday dhulkaad aragteen ee keenay Hiiraan, Beledweyne.” Ayuu yiri Rooble oo intaasi raaciyay “Waa nool yihiin kuwii abaabulay, waa nool yihiin kuwii lacagta ku bixiyay, laakiin Alle (SWT) wuu ka soo saarayaa xaqdarrada ay galeen, mana ka harayno intaan noolahay.”

Mr.Rooble, ayaa daboolka ka qaaday in loo soo diray farriin qoraaleed loogu sheegayo in la dhibaateyn doono Xildhibaanada, “Ilaahay baa iga sareeyo wax saacad ka yar kadib farriimo ayaa ii soo dhacay, waan hayaa oo la ileeyahay kursigaas Amina furitaanka aad furteen boob iyo ujeedaa u leedahay, laakiin waa waxaa ka hesho, Cali Guudlaawe iyo reer Hirshabelle-na waan iska celinaynaa, adigana waan iska kaa celinaa, waan hayaa farriinta. Waan u dhimanaa, waana u dhiman doonnaa, hadduu Alle idmo.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

178670cookie-checkRooble “Xildhibaan Amina waxaa dishay gacantii ka dambeysay Dilka Ikraan Tahliil” 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com