Ma Dhabaa in Ciidamada Dowlada ay soo Baneeyeen Degaano ay Shababka ka Qabsadeen..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa  bilaabay inay dib ugu  soo baxaan degaano badan oo ka mid ah Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Bartamaha Dalka, kadib markii ay soo wajahday Dhaqaale xumo baahsan iyo daryeel la’aan..

Wararka ayaa sheegaya in Degaanada Ciidamada Dowlada ay isaga baxeen waxaa ka mid ah Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud iyo Tuulooyin ka tirsan Gobolka Mudug halkaas oo ka mid ah  Degaanadii Ciidamada ay kala wareegeen kooxda argagixisada Shabaabka, Ciidamadaan ayaa la sheegay in sababta ugu weyn ee halkaasi ay u baneeyeen ay tahay iyagoo ka cabanaya Mushaar la’aan soo wajahday sida ay sheegeen xogo loo qaateen ah.

Maalmahaan Waxaa aad u qabsaday baraha bulshada warar ku saabsan in Ciidamada Dowladda Federaalka ay baneeyeen, goobo muhiim ah oo ka mid ah Gobolada Mudug & Galgaduud sabab la xiriirta, iyadoo Hogaanka Ciidamada ay ka muuqato Habacsanaan iyo Hogasn xumo.

306290cookie-checkMa Dhabaa in Ciidamada Dowlada ay soo Baneeyeen Degaano ay Shababka ka Qabsadeen..