Canshuuraha Gobolka Benadir Oo Boob Lagu Hayo

Somalia news

Warbixino hordhaca ah oo laga helay sida loo dhaco Canshuurta Dowlada Hoose Xamar ka qaado Guryaha Muqdisho & sifooyinka loo maro inuu sharci yahay & inkale  ayaa la ogaaday in dhabtii la boobo hantida shacabka Soomaaliyeed & kuwa ku dhaqan G/Banaadir….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u tilmaamtay in Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka & Maaliya ee G/Banaadir & Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Dhulka oo iskaashanaayo ayaa bilaabay iney qaadaan canshuur sharci daro ah sido kale lacagaha ay qaadana waxaa lagu shubaa account ka furan Salaama Bank oo uu maamulo Gudoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyada G/Banaadir.

350,000 Guri oo ku yaala G/Banaadir  ayaa waxaa labilaabay in laga qaado calaa guri lacag cadadeedu tahay 146 Dolar, Lacagaha waxaa qaada Xafiisyo ku yaala 17 Dagmo ee G/Banaadir.

Gudoomiyayaasha Dagmooyinka awood kuma lahan ineey fara galiyaan Howlaha ay qabanayaan Shaqaalaha hoos taga Labada Kuxigeen ee ka hoos shaqeeyo Gudoomiye Omar Finish, in cadadka guud ee canshuuraha Guryaha G/banaadir  laga qaado ay dhan tahay 51,100,000 Dollar wadarta guud.

Canshuurtaan ayaa ah mid aanan soo marin Baarlamaanka JFS sido kale Canshuurtan ma ahan mid ay qaado Wasaarada maaliyada XFS oo marta habraaca canshuuraha dalka.

Sidoo kale canshuurtan lama marsiiyo hanaanka ay hubiyaan Hey’adaha Maaliyada caalamka sida World Bank , IMF & African Bank IWM, Hey’adahaas oo markasta la socda canshuuraha ay qaado Dowlada Fadaraalka.

Canshuurtaan la qaado, ayaa lagu fuliyaa howlaha gaarka ee Madaxweynaha JFS lacagtaasoo loo’isticmaalo laaluushka & burburin Dowlad Goboleedyada maadama canshuraha soo gala Wasaarada Maaliyada XFS ay isha ku hayaan hey’adaha dhaqaalaha aduunka & Deeq Bixiyaayasha.

48930cookie-checkCanshuuraha Gobolka Benadir Oo Boob Lagu Hayo