Puntland Oo Cabsho Ka Keentay in La Leexsaday Qondada Xajka ee Saamiga u Lageyd…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Diinta ee Maamul Goboleedka Puntland uu ku eedeeyay Hogaanka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Xajka ee Dawladda Federalka inay siyaasadaysay arimaha xajka lana musuqmaasuqay qoondadii ay Puntland ku lahayd…

Mr.Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta in ay siyaasad galisay arimaha xajka islamarkaana ay diiday inay wax talo galin ah ka siiso Maamulada Gobalada Dalka, isagoo sheegay in tiro ahaan Maamulka Puntland loo qondeeyay 700-Xujey ah Sanadkaan mana ahan qondo cadaalad ku dhisan.

Wuxuuna intaasi raaciyay in 11-Kun oo Xujey ah Sanadkaan Somalia loo qoondeeyay, in tiro yar la siiyo Puntland ma aqbaleyno, isagoo ku hanjabay (Wasiirka) hadii sida hada wax u socdaan wax laga badaliwaayo ay Puntland ka tashan doonto ka qaybgalka Xajka sanadka soo aadaan ayna si madax banaan u dhaqmi doonto.

325560cookie-checkPuntland Oo Cabsho Ka Keentay in La Leexsaday Qondada Xajka ee Saamiga u Lageyd…