Dowladda Federaalka Oo Qorsheyneysa iney Gargaar u Dirto Shacbiga Falastin

Somalia news

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay gargaar ay u dirto Shacbiga Falastiin gaar ahaan kuwa ku nool Marina Gaza oo xasuuq, Dilal iyo duqeyn culus ka wado Maamulka Yuhuuda ayna ku garab taagan yihiin Dalalka galbeedka tan iyo 7-dii bishaan..

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ka hadlay isu soo baxay lagu xusay qarixii 29 October 2022-kii ee Zoope 2 ayaa sheegay inay diyaar la yihiin in Dhaqaatiir iyo Gargaar u diraan magaalada Gaza, haddii la furo marinka Rafah ee xuduudda Masar.

“Hey’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ku talagashay hadii la furo marinka Rafax ee Masar inay u diri doonto gargaar Shacbiga Soomaaliyeed laga qaaday, waxaa diyaar ah Dhaqaatiir, waxaana geyneynaa kaalmo loogu gurmanayo walaalaha reer Gaza” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Somalia ayaa ku jirta xaalad adag muddo sanooyin ah oo ka dhashay Abaaro iyo Fatahaad, waxaan qaaraan u ururiya beesha caalamka, iyadoo Hey’adda Maareynta Musiibooyinka ay inta badan gargaarka ka hesho dalka Imaaraadka Carabta.

284800cookie-checkDowladda Federaalka Oo Qorsheyneysa iney Gargaar u Dirto Shacbiga Falastin
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com