Saciid Dani Oo Kulan Wadashi ah kula yeeshay Sarakiil Ciidan magaalada Mogadishu

Somalia news

Madaxweynaha Puntland, ahna Musharrax Madaxweynaha DFS Saciid Deni, ayaa kulan Afur ah kula qaatay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho Saraakiishii hore ee qaybaha Ciidanka Qalabka sida ee Somalia, iyadoo kulankaasi lagu fasiray xogwareysi xaalada Amaan & mid guud ee Dalka xiligaan kala guurka ah…

Mr.Siciid Deni ayaa u mahadceliyay saraakiisha Ciidamada ka soo qeyb galka Kulanka wadatashiga, wuxuuna sheegay “Waa waayo arag dhinaca amniga ah oo wax badan usoo joogay una soo shaqeeyay dalka iyo dadka, waxaan ku boggaadinaya in ay marwalbo khibradooda uga faa’iideeyaan dalka marxalad kasta.”

Shirkan wuxuu dhacay maalin kadib markii qaar ka mid ah xildhibaannada ka soo jeeda Puntland ay ka badbaadeen weerar qorsheysan oo Al-shabaab ku soo qaadeen makhaayad ku taal xeebta Liido oo ay ku afurayeen.

184650cookie-checkSaciid Dani Oo Kulan Wadashi ah kula yeeshay Sarakiil Ciidan magaalada Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com