Puntland oo Joojisay Gebi ahaan Qamaarka 1xBET iyo Kaararka gaarka ah (Private Numbers)..

Security Somalia news

Warar naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Qoraal uu soo saaray Maamulka ayaa lagu amray Wasaaradaha iyo Shirkadaha Isgaarsiinta in Degaanadeeda laga mamnuucday Shirkada Qamaarka ee 1xBET iyo Kaararka gaarka ah ee qarsoon (Private Number), waxaana lagu amray inay u hogansamaan Wareegtadaan..

Qoraal oo kasoo baxay Hogaanka Maamulka ee Puntland ayaa lagu faray Waaxyaha Warfaafinta, Amniga, Arrimaha gudaha, Cadaaladda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta Puntland iney joojiyaan oo laga mamnuucay Degaanada Puntland shirkadda sharadka iyo Qamaarka ee 1xBET, sidoo kalena la joojiyey furista lambarada gaarka ah (Private Number).

Shirkadda Qamaarka ee 1xBET ayaa dhibaato xoog leh ku haysay Bulshada Degaanka, taasoo sababtay in Dad badan xoolahoodii ku waayaan Qamaarka, isla markaasna ay fal dambiyeedyadu kordhaan wuxuuna go’aanka Maamulku kusoo beegmay xili ay cabasho xoogan ka jirtey.

Dhanka kale, Waxaa la xaqiijiyay in joojinta lambarada gaarka ah ama qarsoon ayaa waxaa inta badan adeegsan jiray Maleeshiyaadka Kooxaha Argagixisada kuwaasoo cabsi gelinta Shacabka iyo Qalqalgelinta amaanka taasoo dhibaato weyn ku heysay Shacbiga iyi Ganacsatada.

350770cookie-checkPuntland oo Joojisay Gebi ahaan Qamaarka 1xBET iyo Kaararka gaarka ah (Private Numbers)..