Maxaa Xiligaan Ku Kulmiyay Farmaajo & Gacan-yarayaashiisii Magaalada Ankara ee Turkiga

Somalia news

30-kii bishii September oo jimcihii ku beegneyd ayuu Farmaajo afar bil kadib ka dhoofay Muqdisho, wuxuuna sii raacay Ethiopian Airlines tan iyo markii uu wareejiyey Maamulka Villa Somalia,waxaana socdaalkiisa Turkiga uu daaran yahay isku imaatinka Kulan looga arinsanaayo Fashilka & Guuldarada ku yimid hankoodii…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Farmaajo intii uu Addis abeba ku sugnaa uu la kulmay Bro.Abiy, kadibna wuxuu u duulay magaalada Istanbul via Ankara, wuxuu kulamo la yeelan doonaa Gacan-yarayaashiisii uu hormuudka u yahay Adeege Fahad Yasin muddo degan halkaasi.

Ajandaha ugu weyn ee Kulankaan ayaa ah sida ay inoo sheegeen dad lagu kalsoon yahay sidii loo sixi lahaa khaladaadkii dhacay doorashadii 15-kii May Ee Xasan Sheekh Maxamuud kusoo baxay guuldarada siyaasadeedna biday Farmaajo iyo saaxiibadiisa.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galaaya Saraakiil ciidan, Siyaasyin, Xildhibaano, Senataro, Wasiiro hore iyo Qurba joog ku bahoobay falsafadii ay ku dhisneyd Ururkii F&F, kulanka Ankara ayaa lagu falanqeyn doonaa qorshe lagu carqaladeynaayo Maamulka Xisbiyada Xasan Sheekh & Xasan Macallin ku bahoobeen.

Sidoo kale Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Kulanka Turkiga lagu soo hadal qaadi doono sidii ay door ugu yeelan lahaayeen inuusan soo laabanin Siciid Cabdullaahi Deni Doorashada 2024-ka Puntland ka dhaceysa si taas badelkeedana ay shaqsi iyaga ay wataan loo ololeeyo Madaxweynaha Cusub Ee Puntland waxeyna u badan iney Axmed Ciise Cawad loo xusho.

216880cookie-checkMaxaa Xiligaan Ku Kulmiyay Farmaajo & Gacan-yarayaashiisii Magaalada Ankara ee Turkiga
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com