Horjoogaha Shababka Oo Fariimo Hanjabaado Xambaarsan Soo Saaray

Somalia news

Horjoogaha Kooxda Argagixisada Shabaabka Axmed Cumar alias (Abu Cubeyda), ayaa cod fariin ah oo xambaarsan hanjabaado uu soo duubay kuna soo beegay munaasabadda Eida Al-adxa ayuu kaga hadlay Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan…

Horjoogaha Shababka oo marka hore ka hadlay khilaafkii ka dhashay doorashooyinka Somalia, ee markii dambe keenay in lagu xaliyo xerada Afisyoone, taasoo uu ku macneeyey inay ka tarjumeyso sida “shisheeyaha ay dalka u haystaan iyo in amarradooda lagu maamulo, “ Iyaga (Hogaamiyayaasha) Ma damaanad qaadi karaan amaankiina” isagoo la hadlaaya Ergada Xildhibaanada soo xuleysa.

Waxa uu madaxda dalka hadda maamula iyo Musharaxiinta madaxweyne ugu yeeray kuwa u adeegga shisheeye, oo aan xor aheyn, isagoo su’aal ka keenay sida dad noocaas ah looga aamini karo inay dalka iyo Dadka samata bixiyaan, sida uu hadalka u dhiga.

Wuxuu sidoo kale weerar culus ku qaaday Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, oo uu ugu yeeray “culumaa’u suuq faasidiin ah oo diintooda ka leexday, islamarkaana sharciyaaya nidaam aan ku saleysneyn diinta Islaamka, oo ay xalaaleeya xumaanta ay ku jiraan madaxda dowladda federaalka, kuna raacay madaxdaasi in dalka lagu xukumo wax aan ahayn kitaabka Allah.”

Abu Cubeyda ayaa culimada dusha ka saaray xukun ah inay diinta ka baxeen, kana mid yihiin caqabadaha Dalka heysta, sida uu hadalka u dhigay, sidoo kale weerar ku qaaday ciidamada Somalia iyo warbaahinta Soomaalida, isaga oo sheegay in warbaahinta ay u adeegaan faafinta iyo qurxinta nidaamka dimqoraadiga ah, oo xaqiiqda ay qariyaan, sida uu hadalka u dhigay.

130290cookie-checkHorjoogaha Shababka Oo Fariimo Hanjabaado Xambaarsan Soo Saaray