Puntland Oo Oggolaatay Iney Wareejiso Maxaabiis Burcad Badeed Ah

Somalia news

Maamulka Puntland ayaa si rasmiya u ogolaatay cadaadis badan kadib iney dowladda Federaalka ku wareejiso Koox ku xukman Burcad-badeednimo oo ku xiran xabsiga weyn ee Garoowe, kuwaasoo sanado hore laga soo wareejiyay Dalalka deriska…

23 November 2020 Ergo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug oo ka Wakiil ah Qorqor ayaa gaaray Garoowe, waxeyna ka codsadeen Maamulka Puntland in lagu soo wareejiyo Xukmanayaashaan oo ka soo jeeda Magaalada Cadaado Ee Galmudug, balse Puntland way diiday codsigooda, inkastoo ay ogolaatay in Muqdisho loo wareejiyo, haddii dowladda Federaalku aqbasho.

Puntland waxay markaas sheegtay, in aysan awood u lahayn sii daynta Dambilayaashaan oo iyagoo xukman lagu wareejiyay, kadib heshiis 21 April 2011-kii dhexmaray Puntland iyo jasiiradda Seychelles, kaas oo dhigayay in maxaabiistu ay xukunkooda ku dhammaystaan xabsiyada Puntland.

2-dii bishan April 2021, mar kale waxa Garoowe yimid xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, kuwaas oo mas’uuliyiinta Puntland u sheegay in dowladda Federaalku aqbashay, in ay la wareegto maxaabiistan, waxaana Puntland sidaas ku ogolaatay in Xukmanayaasha loo wareejiyo Muqdisho.

107780cookie-checkPuntland Oo Oggolaatay Iney Wareejiso Maxaabiis Burcad Badeed Ah