Maxaa Ka Run ah in Dhaqaalaha Lagu Calaamadeynaayo Mootooyinka ay ku dhacayaan Akoono Gaar ah..

Somalia news

Faahfaahino ayaa laga helayaa howlaha diiwaangelinta Mooto Bajaajta magaalada Muqdisho, kadib markii uu Gudoomiyaha Gobolka Benaadir amar ku bixiyay in aaney jiri doonin Bajaaj aan A ama B ahayn oo ka dhex shaqeyn doonta magaalada Muqdisho, iyadoo 4-Goobood loo asteeyay in caalamadaha lagu saaro…

Wararka ayaa sheegay in safaf dhaadheer iyo cariiri ka muuqdaa goobaha loo asteeyay diiwaangelinta Bajaajta, iyadoo la sheegay in halkii Bajaaj lagu diiwaan gelin doono lacag dhan $35 dollar, waxaase soo shaac baxaaya macluumaad tilmaamaya in lacagtu tahay goobaha qaar $35 dollar halka goobaha qaarna ay yihiin $36 dollar, kuwaasoo lagu shubo akoonno gaar ah oo kala duwan.

Talaabadaan ayaa la qaaday xilli ay juraan tuhun tilmaamaya in markii horeba ujeedada laga lahaa Bajaajta in loo kala qeybiyo A iyo B ay ahayd in dhaaaale laga sameeyo oo qandaraasleyaal kala duwan lagu naas nuujiyo, tiiyo aaney jirin meel loogu tartamay bixinta qandaraaska diiwaangelinta Bajaajta.

Waxaana la filayaa in hadii 35000×36=1,260, 000, dhaqaalahaan ayaa la qorsheeyay in laga macaasho Mootooyinka, inkastoo ay Maamulka Dowladda Hoose aysan weli si rasmi ah u shaacin waqtiga ay ku eg tahay, haddane Guddoomiye ku xigeenka hawlaha guud ee Gobolka Benaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay socon doonta muddo 20-Maalmood.

253570cookie-checkMaxaa Ka Run ah in Dhaqaalaha Lagu Calaamadeynaayo Mootooyinka ay ku dhacayaan Akoono Gaar ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com