Maamulka Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Iney Kooxaha Argagixisada Qaarna Xiran Kuwo..

Somalia news

Warbixino laga helay ilo ku dhow Saraakiisha Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa sheegaya in Saraakiisha Maamulka ay Horjoogayaasha Kooxaha argagixisada ay qaarkood xabsiyada ku heyso halka kuwo kale ay u faxasaan iney Aroosyada ka qeyb galaan iyo iney si xor ah u isticmaalaan Baraha Bulshada oo afkaartooda Mayalka adag ku faafiyaan, taasoo xadgudub ku ah Xeerarka Dalka u degan iyo xuquuqda Qof ee Dastuurka….

Talaabadaan ayaa soo shaac baxday Todobaadkaan kadib markii Horjoogihii Hore Ee Xisbul Islam Xasan Daahir Aweys oo ka soo muuqday Xaflad Aroos oo uu soo Qabanqaabiyay Kuxigeenka Gudoomiyaha Gobolka Benadir xagga Amaanka kaasoo Walaashiis u dhigay xaflad Aroos laguna qsbtay Hoteel ku yaal Magaalada Mogadishu.

Dad badan ayaa su’aal ka keenay Koolsoonida lagu qabi karo Maamulka Farmaajo ee muddo xileedkiisu dhamaaday, kadib Horjoogahaan lagu arkay xafladaasi, ku darsoo Labada shaqsi ayaa qaraabo hoose ah halka Afhayeenkii hore ee Shababka oo ka baxay Shababka uu xabsi guri ugu jiro colaad gaar ah oo kala Dhaxeyso Farmaajo.

Horjooge Xasan Daahir ayaa diiday inuu meel fagaare ah ka sheego inuu ka baxay kooxaha argagixisada isla markaasna dhaleeceeyo falalka arxan darrada ah oo u geysanayaan Shacbiga Soomaaliyeed, wuxuu sidoo kale Horjoogahaan xiriir hoose la leeyahay Agaasimaha NISA oo ay ka wada tirsan yihiin Ururka Al-Ictisaam (Ex Al-ittixaad).

107810cookie-checkMaamulka Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Iney Kooxaha Argagixisada Qaarna Xiran Kuwo..