Qalab Caafimaad Oo La Xaday Ayaa Laga Iibiyay Ganacsato

Somalia news

Warar hordhaca oo naga soo gaaray Magaalada Ceergaabo ee Gobolka Sanaag (Somaliland) ayaa sheegaya in Qalab Caafimaad laga xaday Isbitaalka guud Ee degmada Ceergaabo loo iib geeyay Magaalada Garoowe Ee Gobolka Nugaal (Puntland)…

Sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray Mr.Maxamed Sidiiq Dhamme oo xubin ka ah xisbiga Mucaaradka Wadani ayuu ku sheegay in Machine-kii lagu baaro Dhiiga ee CBC oo Isbitaalka Ceergaabo yaalay la xaday lagana iibiyay Ganacsato ka soo jeeda Gobolka Nugaal (Garoowe).

Mr.Dhamme ayaa ku eedeeyay Maamulka Gobolka iyo kan Isbitaalka iney dayaceen Qalabka dhiiga lagu baaro, iyadoo Saraakiisha Caafimaadka Ee Gobolka aysan si cad u sheegin in la xaday Qalabkaasi oo loogu adeegi jiray Bulshada ku nool Gobolka.

133370cookie-checkQalab Caafimaad Oo La Xaday Ayaa Laga Iibiyay Ganacsato