Ma Dhabaa In Somalia & Kenya Ay Heshiis Hordhac ah Gaareen

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Safar ay Wasiirada Arrimaha Dibeda Kenya ku imaaneyso berito (Axada), Magaalada Mogadishu, iyadoo uu diyaarsan yahay heshiis qarsoodi ah oo ay ku kala saxiixan doonaan labada Dowladood, inta ay ku sugan tahay Magaalada Mogadishu…

Ilo wareedkaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Kulankii Rooble iyo Uhuruu ee ka dhacay Magaalada London lagu gaaray heshiis is-afgarad ah oo qarsoodi ah, Heshiiskaan ayaa la ogeyn inuu ku jiro Xiisada xuduuda Badda oo Maxkamada Dembiyada laga sugaayo iney go’aan ka gaaraan.

Sida qorshuhu yahay marka lagu saxiixo heshiiska labada Dal, ayaa lagu wadaa in lagu qaabilo Wasiirada Xarunta Madaxtooyada, kadibna Mr.Rooble ayaa tagi doonaa Magaalada Nairobi si uu u dhameystiro Heshiiska ay soo diyaariyeen Dowladda UK.

133400cookie-checkMa Dhabaa In Somalia & Kenya Ay Heshiis Hordhac ah Gaareen