Gadiid Qaraxyo ka Buuxaan Oo Lagu Qarxiyay Duleedka Magaalada Dhuusa mareeb..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa Baaris ay Xoogaga Amniga ee Galmudug ku fashiliyeen tuula Qodax oo duleedka magaalada Dhuusamareeb wadada ka timaada degaanka Guricel, labo Gaari oo qaraxyo ah, kuwaasoo la doonaayay in gudaha Magaalada laga fuliyo Is-miisaamin…

Wararka ayaa sheegaya in labada Gaari ay ku qarxeen goobta hubinta amniga ee magaaladan laga galo, iyadoo ay jirto khasaare ka dhashay, waxaana Gaadiidkaan ay soo dhaafeen goobo horey ugu sugnaayeen ciidamo kale duwan, Maalmo kahor, Madaxweynaha Galmudug Axmed QoorQoor ayaa sheegay in cadow iyo cawaan kujira gudaha Hay’addaha Amniga ay fududeynayaan qaraxyadan, taasoo caro ku beertay Xoogaga Maamulka.

Ciidamada ayaa rasaas ku riday Gaadiidkaan, markii laga shakiyey taasoo keentay in ay labada oo kale dambeeyey halkaas ku qarxaan, waxaana Magaalada muddo kusugan Madaxweynaha Somalia oo ka hogaaminaya duulaanka lagu ciribtiriyo kooxaha Argagixisada.

279260cookie-checkGadiid Qaraxyo ka Buuxaan Oo Lagu Qarxiyay Duleedka Magaalada Dhuusa mareeb..