Shirka Nabadeed Ee Baydhabo & Maxsuulka Wajiga 1-aad ee dib u Heshiisinta

Somalia news

Waxaa soo afjarmay wajiga hore ee Shirkii dib u heshiisinta Dhinacyada isku haya Talada Hogaanka Maamulka Konfur galbeed, iyadoo ay wakhti badan geliyeen ka miro dhalinta dib u heshiisinta Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana xal laga gaaray wajiga hore ee Khilaafka…

Dhinacyadaan ayaa isku raacay in Xaal marin iyo boogo dheys lagu xaliyo dhibaatooyinka ka dhashay gacan ka hadlka kadib murankii muddo kordhinta Laftagareen, iyadoo la cafiyay dhamaan Ciidamadii labada dhinac u soo dagaalamay iyo kuwa u soo gurmaday, waxaa dib loo soo celiyay Darajooyinkii laga xayuubiyay Ciidamadii dagaalka galay.

Halka lagu heshiiyay in la bixiyo Magtii Dadkii ku dhintay Shaqaqada lana dayactiro gurigii uu dagaalka ka dhacay oo uu lahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeto loona oggolaaday inuu booqdo, iyadoo lagu balamay in qeybta 2-aad Shirka la qabto marka uu Madaxweynaha ka soo laabto Safar uu ku kala bixinaayo Dalalka Sacuudiga iyo Qatar dhawaan.

Wajiga 2-aad ayaa noqonaaya midka heshiis Siyaasadeed laga gaaro nooca ay noqoneyso Doorashada Xilka Madaxweynanimada iyo hanaanka loo wajahaayo waana qodobka ugu adag uguba xasaasisan, iyadoo la filayaa in is-jiijiid badan si la mid ah gacan ka hadal siyaasadeed ay soo baxaan inkastoo Madaweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay wakhti badan geliyeen sidii loo dhameyn lahaa Khilaafka gaamuray ee Siyaasiyiinta Konfur galbeed.

238780cookie-checkShirka Nabadeed Ee Baydhabo & Maxsuulka Wajiga 1-aad ee dib u Heshiisinta
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com