Hub Iyo Maleeshiyo Beeleed Lagu Wareejiyay Galmudug

Somalia news

Wafdigaan uu hogaaminaayo Mr.Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug, oo ay wehliyan Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, Wasiirka Amniga, Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa gaaray Magaalada Balanbale, iyadoo lagu wareejiyay hub iyo gaadiid dagaal….

Odayaasha, Waxgaradka Beesha Mareexaan ee degaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii hubkan iyo gaadiidka dagaalkaba ku wareejiyay Mas’uuliyiinta Galmudug.

Sidoo kale waxgaradka degaanka ayaa Madaxda Galmudug ku wareejiyay in ku dhow boqol maleeshiyaad oo degaanka ah, iyadoo ay Galmudug ballanqaaday in ay tababar u furi doonto, kuna biirin doonto Ciidanka Daraawiishta cusub, ee lagu wado in markii ugu horeysay ay Galmudug yeelato.

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu uruurinayo maleeshiyaad beeleedyada, si loogu tababaro ka mid noqoshada Ciidanka Daraawiishta, hadhowna loogu adeegsado inay ka hawlgalaan xuduudaha Galmudug, la dagaalanka argagixisada iyo inay kala dhexgalaan beelaha, haddii ay wada dagaalamaan.

45670cookie-checkHub Iyo Maleeshiyo Beeleed Lagu Wareejiyay Galmudug