Xubin Ka Tirsan Xibsiga Mucaaradka Oo Lagu Dilay Laascaanood

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascasnood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Koox Hubeysan ay xalay toogasho ku dileen Xubin Ka tirsan Maamulka degaanka ugana Wakiil ahaa Xibsiga Mucaaradka ee Wadani..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Marxuumka Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoof) oo ka mid ahaa Golaha degaanka Degmada Laascaanood Kana tirsanaa Xisbiga Wadani, ayaa Koox Dabley ah gurgiisa hortiisa ku dileen, kadibna ka baxsadeen goobta.

Ma jiro weli war ka soo baxay maamulka Somaliland oo looga hadlay dilka Xildhibaanka ka tirsan golaha deegaanka Laascaanood, Magaalada Laascaanood ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan oo loo geysanayo Mas’uuliyiinta degaanka.

140310cookie-checkXubin Ka Tirsan Xibsiga Mucaaradka Oo Lagu Dilay Laascaanood