Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Mogadishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi, Qaraxaan ayaa lala beegsaday gaariga Afhayeenka Ciidamada Boliiska Sadiiq Aadan Doodishe, xilli uu mararyey wadada 21-ka October, gaar ahaan agagaarka isgoyska Afisyooni….

Afhayeenka Boliiska oo qoraal kooban soo dhigay bariisa Facebook-ga ayaa ku qoray “Caawa abaare 8:55 fiidnimo ayeey miino la dhigay wadada 21- Oct dhinaceeda argagixisadu la eegteen dad iyo gaadiid marayay oo uu ku jiro gaarigayga, walow xiligaas aanan la socon.”

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof shacab ah oo wadada marayey uu ku geeriyooday qaraxaas, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo kale oo aan illaa hadda si rasmi ah loo ogaan inta ay dhan yihiin.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray qaraxa kadib, kuwaas oo hakad geliyey dhaq-dhaqaaqa wadada, waxayna halkaas ka sameeyeen baaritaano, aan ilaa hadda la shaacin cid lagu soo qabtay.

84740cookie-checkQarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Mogadishu