Wakiilka QM ee Somalia Oo Baaq ku aadan Doorashada u Jeedisay Maamulka & Mucaaradka Puntland..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulamo ay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay la qaatay Maamulka iyo Mucaaradka Puntland waxeyna ugu baaqday dhonacyadaan iney doorkooda ka qaadataan hirgelinta heshiis nabadeed oo lagu dhameeyo khilaafka Doorashada ee taagan…

Wararka ayaa sheegay in Ms. Catriona Liang Ereyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia ay ugu baaqday iney doorkooda ka qaataan dhiirrigelinta in labada dhinac ay khilaafkooda ku xalliyaan si nabadgelyo ah si loo hubiyo in aanu gacan-ka-hadalku mar kale ka dhicin magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

“Waa iney jiraan tallaabooyin lagu soo celinayo is-aaminaada oo la halmaala sidaa daraadeed in Puntland iyo Muxaaradku ay doorkeeda qaadato iyada oo adeegsaneysa xiriirka Odayaasha Dhaqanka si loo hubiyo in wado nabadeed lagu socdo” ayay tiri marwo Catriona Liang.

Wqxey Dhinacyadaan u xaqiijisay iney Wakiilada Beesha Caalamka aysan taageeri doonin Doorasho dhinac ka raran oo aan heshiis lagu aheyn, iyadoo si gaar ah Deni loogu sheegay in Khilaafka kala dhaxeeya Villa Somalia uu yahay mid shaqsi ah loona baahan yahay in laga gudbo oo Danta guud ee Dalka laga shaqeeyo.

287160cookie-checkWakiilka QM ee Somalia Oo Baaq ku aadan Doorashada u Jeedisay Maamulka & Mucaaradka Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com