Qarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Isgoyska Cali kamiin ee Magaalada Mogadishu..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax ayaa ka dhacay Galabta Isgoyska Cali Kamiin oo ku dhow Garoonka Ciyaaraha Mogadishu Stadium xili ay ka socotay garoonka ciyaar ka tirsan tartanka Dowlad goboleedyada oo dhex mareysay Xulalka Galmudug & Banaadir…

Qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay Ninkii weerarka soo qaaday, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kale ee dhabt ah, balse warbaahinta gudaha ayaa la soo dhigay labo Wiil oo Dhallinyar ah oo ku dhintay sida la sheegay rasaas ay fureen Ciidamada Dowladda, ilaa iyo hadda fahafaahin rasmi ah kamasoo bixin Hey’adaha Amaanka.

Dhacdadaan ayaa muujineysa feejignaanta iyo waxtarka joogtada ah ee hay’adaha amniga Mogadishu si ay uga hortagaan khataraha amniga guud, inkastoo bilihii ugu dambeeyay ay kordheen tirada qaraxyada iyo weerarada Kooxda Argagixisada Shababka.

303560cookie-checkQarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Isgoyska Cali kamiin ee Magaalada Mogadishu..