Madaxda Xiligaan Ee Dowladda Oo Laba Luqadood Ku Wajahay Xukunka Maxkamada ICJ

Somalia news

Madaxda Dowladda Federaalka ee Xilka ka dhaamaday (Farmaajo iyo Rooble) ayaa siyaabo kala duwan ku wajahay Xukunka Maxkamada ICJ Ee Dacwada Kiiska Xuduuda Badda ee Somalia oo ay sheegtay Dowladda Kenya, kadib markii Xaflad soo dhoweyn ah loo sameeyay Ergada Dowladda Federaalka…

Farmaajo ayaa hadal jeedintiisii ku qeexay “ Halganka Cadaaladeed” Ee Maxkamada ICJ, wuxuuna ku weeraray Maamulka Nairobi in muddo 4-sano ay waday Faragelin joogto ah, Go’doonim iyo diblomaasiyad ka baxsan curfiga, isagoo sheegay iney dhaqaale badan geliyeen sidii loo go’doomin lahaa Maamulkiisa.

Inkastoo Siyaasiyiin Soomaaliyeed ku Eedeeyeen Farmaajo inuu Siyaasada Arrimaha Dibeda ee Somalia ku saleeyay Danihiisa shaqsiga ah iyo mida Qoyskiisa, Talaabadaan uu ku waayay xulufo badan, waxeyna farta ku godeen In Farmaajo markii uu ku hungoobay Dalka kuis ii ahaa in Kenya ku wareejiso Maamulka Jubbaland si uu u geysto Shaqsi daacad u ah kuna Jufo ah Xilka Dowlad goboleedka Jubbaland.

Dhanka kale Mr.Rooble ayaa sheegay “ Saaxiib waa la sameystaa laakin Deris lama sameysto” Dowladda Kenya deris ayaa nahay, waana isku qasbanahay inaan ka wada shaqeyno Nabada iyo daris wanaaga ku wada noolaano, wuxuuna cod dheer ku sheegay iney Shacbiga Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin ayuu cadeeyay, Mr.Rooble.

Tani, waxey caddeyn u tahay in Labada Nin ay weli ku kala aragti duwan yihiin qaabka loola macaamilaayo Kenya, Farmaajo wuxuu horey iskugu dayay inuu hor istaago Socdaal uu Rooble Qorsheystay inuu ku tago Magaalada Nairobi, taasoo uu ku Fashilmay.

146290cookie-checkMadaxda Xiligaan Ee Dowladda Oo Laba Luqadood Ku Wajahay Xukunka Maxkamada ICJ