Qarax Miino Lagu Weeraray Gaari Booyad Oo Shirkada Korontada Becco Iska Laheyd…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo goor dhoweyd ka dhacay Xaafado ka mid ah Degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo gaystay khasaare kala duwan, qaraxaasoo lagu beegsaday Gaari Booyad shidaal ah…

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaan miino uu ka dhacay Xaafada Jabadgeel ee Ceelasha biyaha, iyadoo Gaari booyad ah oo shidaal u siday Shirkadda Korontada ee Becco, Ma jirto khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaasi, balse waxaa jira khasaare hantiyadeed oo ah booyaddii iyo shidaalkii ay siday oo Dab qabsaday.

Xoogaga Amaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo bilaabay Baaris iyo howlgallo, Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray qaraxyo Miinooyin ah kuwaasoo dhacayay wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha biyaha.

324650cookie-checkQarax Miino Lagu Weeraray Gaari Booyad Oo Shirkada Korontada Becco Iska Laheyd…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *