Ma Dhabaa in Midowga Europe Dalka Somalia ugu Deeqdeen Dhaqaale dhan 89,5 Millions Euro..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Safarkii uu Madaxweynaha Somalia ku tegay xarunta EU-da ee magaalada Brussels, iyadoo Deeq Midowga Yurub u qeybisay dhowr Dal oo Afrikaan ah, ayaa Somalia saami kaga soo aaday dhaqaale 89.5 Million Euro…

Sida ay sheegay Dhanka Waxbarashada ayaa mudnaanta 1-aad la siiyay bixinta Deeqdan, waxaana ku xiga Caafimaadka iyo Shaqo abuurka Dhalinyarada sida lagu xusay Forumka #GlobalGateway foundation, iyadoo Madaxa Mashruucaan Mrs.@Jutta Urpilainen iyadoo intaasi raacisay in “Macalimiinta xirfada leh ayaa shardi u ah waxbarasho tayo leh”.

Heshiiskaan,waxaa kala saxiixday Midowga Yurub iyo Dowlado Dhowr ah oo ay ku jirto Somalia maqaam ahaan sida NGO ayuu u dhacay, Balse Midowga Yurub ayaa horey u soo qorsheeyay Mashaariicda, isla markaana fulinaya umana baahna gacan kale.

Mashaariicda horumarineed ee Caalamku ugu deeqo Somalia ayaa loo qaybsan jiray Sadex qaybood ka hor DFS intaysan ka bixin KMG, balse haatan waxaa Maamula Dowlada Federaalka oo loo marsiiyaa, kadibna iyadaa u qeybisay Maamulada Gobolada hadba baahida Maamulada Gobolada.

284590cookie-checkMa Dhabaa in Midowga Europe Dalka Somalia ugu Deeqdeen Dhaqaale dhan 89,5 Millions Euro..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com