Maxaa Horseeday Xiriirka Sii Xumaanaya Maamulka Villa Somalia & Garoowe

Somalia news

80-tan Maalmood ayaa ka soo wareegatay markii Madaxweynaha la doortay, iyadoo durbadiiba ay muuqdaan Khilaaf siyaasadeed oo mug leh una dhaxeeya isbahaysigii ku mideysnaa in isbeddel hoggaamineed uu ka dhaco Somalia Puntland iyo Jubaland waxay ku kala fogaadeen magacaabista Ra’iisal Wasaaraha…

Sidoo kale waxaa khilaaf xoogan u dhaxeeyaa Hogaanka Villa Somalia iyo Puntland, Khilaafka ayaa salka ku haya arrimo badan oo is biirsaday, waxaana ugu weyn in aan lagala tashan (Dani) dhismaha Dowladda cusub maadaama uu sanad ka hor Muqdisho geeyey aragti isbeddel doon ahayd oo ku salaysnayd ‘badbaanin qaran’ keentayna soo bixistii ciidankii Badbaado Qaran iyo isbahaysiga badbaadinta oo ay Deni iyo Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubaland, ku mideysnaayeen.

Mas’uul ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in Dowladda cusubi ay qaadday waddadii Dowladii ka horeysay oo Wasiirradeedii ka soo jeeda ku garabsiiyeen dowladdii hore ku xadgudubka xuquuqda maamulka Puntland dhanka Waxbarashada iyo horumarinta, waxeyna taageero weydisteen Dowlada Ethiopia.

205750cookie-checkMaxaa Horseeday Xiriirka Sii Xumaanaya Maamulka Villa Somalia & Garoowe
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com