Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Degmada Hodan

Somalia news

Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Arday iyo Dad Rayid ah, kaasoo goor sii horeysay ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Hodon ee Gobolka Benadir..

Qaraxaan oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay agagaarka Xaruntii hore ee Maamulkii Cabdiqaasim oo ku taalla degmada Hodan, waxaana jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxan uu saameyn xoogan ku yeeshay ardayda dhigata Dugsiga Sare ee Banaadir oo ku yaalla halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

152670cookie-checkQarax Xoogan Oo Ka Dhacay Degmada Hodan