Martiqaadka Xildhibaanada Galmudug Maxaa Sababay

Somalia news

Dhowaan ayeey aheyd markii Inta badan Xildhibaanada Dowlad goboleedka Galmudug uu Martiqaad u sameeyay mid ka mid ah Musharixiinta Xisbiyada Mucaaradka, iyagoo lagala tashaday Xaalada Cakiran Ee Guddiyada Doorashada iyo Khilaafaadka ka taagan…

Martiqaadkaasi ayaa la sheegay in Hurdada ay u diideen Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo Maamulka Galmudug Ee Qorqor, waxeyna kooxdaani dhankooda ka bilaabeen sidii ay u xodxodan lahaayeen Qeyb ka mid ah Xildhibaanada Dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo Xalay tiro aan badneyn loogu qabtay Martiqaad Villa Somalia.

Qabashada cashadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli muran ka jiro qabashada doorashada Soomaaliya ee horaanta 2021 iyo dhamaadka 2020, Mr.Qorqoor ayaa waxaa coleys siyaasadeed ka haystaa siyaasiyiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha ee ka soo jeeda Galmudug kuwaasoo diidan gacan saarka siyaasadeed ee uu la leeyahay Mr. Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Sidda xogta muujineyso, Qorqor ayaa ka cabsi qaba in Xildhibaanada Baarlamanka maamulkaas loo adeegsado kuwaas maalmihii la soo dhaafey caasumaado u qabteen qaar kamid ah murashaxiinta.

Inkastoo aysan caddeyn qodobada ay kawada hadleen, haddana waxaa la fahansan yahay in ajendaha ay ku jirtay arrimaha doorashooyinka iyo in aysan aqbali coddeyn la isku hayo iyo baaqyo la xiriira ineysan u dhego nuglaan baaqyada Mucaaradka.

78830cookie-checkMartiqaadka Xildhibaanada Galmudug Maxaa Sababay