Abaaraha Oo Galaaftay Nolosha 10-Qof Oo Ay Caruur Ku Jiraan

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya ugu yaraan 10 qof oo carruur u badan ayaa u geeriyooday waxyeellada abaaraha baahsan ee ka jira deegaannada Jubbaland, waxaana abaartan ay dishay xoolihii ugu badnaa ee degaanadaasi..

Wararka hordhaca ayaa sheegay in Dagmooyinka Bu’aale, Saakow, Baardheere iyo Luuq oo ka tirsan Gobolada Gedo iyo Jubada dhexe waxaa ku dhintay dad u badan caruur oo gaaraya ilaa 10 qof, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Dagmooyinkaasi, waxeyna abaartu saameysa Dadka iyo duunyada.

Warbixinada ayaa tilmaamaya in ilaa 3-4 Million Oo horey Halganka adag ugu jiray Nolosha, kadib markii ay soo food saareen Biyo-yari, Gabaabsi Raashin iyo daaq La’aan Xoolaha ku habsatay, waxaana la sheegay in abaartu si deg deg ah uga sii dareyso, digniino ay Wadajir u soo saareen QM iyo Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in saadaasha cimiladu ay muujineyso Dalku uu wajahaayo xilli roobaadkii 4-aad Oo xiriir ah Oo baaqsaday.

152640cookie-checkAbaaraha Oo Galaaftay Nolosha 10-Qof Oo Ay Caruur Ku Jiraan