Shaqsi Madaxtooyada Ka Tirsan Oo La Eedeeyay

Somalia news

Waxaa labadii maalmood ee ugu dambeysay baraha bulshada lagu arkay muuqaal ay duubtay kaamiradda Qarsoon ee madaxtooyada 5CCTV) taasoo muujineysa bahdilaad xad dhaaf ah oo Shaqsi lagu magacaabo Qaamuus oo ay qaraaba yihiin Madaxweynaha dalka uu kula kacayay ciidamada ka shaqeeya bar-hubineed oo ku taalla gudaha Villa Somalia….

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Shaqsigaan ka soo muuqday muuqaalka ay kaamiraddu duubtay Magaciisu lagu soo koobay Mr.Qaamuus, wuxuuna ka tirsan yahay Qeybta Hab-maamuuska (Baratoolka Xafiiska Madaxweynaha, Isla markaasna qaraabo hoose la ah Mr.Farmaajo.

https://www.facebook.com/Kacdoonkashacab/videos/738139127028438/

Mr.Farmaajo ayaa lagu eedeeyaa inuu qaraabadiisa iyo xigaalo si gaar ah u soo dhaweysto, isagoo Xafiiskiisa iyo Xilalka kale ee Dowlada u magacaaba, Dhacdadaan ayaa la sheegay in aan waxba laga qaban, waxeyna dib u dhac ku tahay Nidaamka Dowladeed.

57540cookie-checkShaqsi Madaxtooyada Ka Tirsan Oo La Eedeeyay