Qareenada Somalia U Doodaya Kiiska Dacwada Badda

Somalia news

Qareenada Dacwada Badda Ee Dhanka Somalia uga Wakiilka ah ayaa sheegay iney yihiin kuwii uu magacaabay Maamulkii Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo xiligaan ay ka maqan tahay Qareenka Soomaaliyeed Mrs.Muna Sharman oo dood weyn ka dhalatay sidii ay uga hartay Dacwada….

Maamulka Villa Somalia ayaa sheegay iney iskeed uga tagtay kadib markii ay shaqo ka heshay Bangiga Aduunka, laakin Qareenada kale Waxba lagama bedelin, waxeyna magacyadoodu kala yihiin:-

-Dr.Paul Richler Waa Qareen u dhashay Mareykanka wuxuu degan yahay Washington DC.

-Prof.Philippe Sands wuxuu ka soo jeeda Boqortooyada UK mihnadiisu Waa Qareen iyo Bare Jaamacadeed.

-Prof.Alan Pellet Wuxuu u dhashay Dalka France isla markaasna degan yahay tiro dhowr ah ayuu Macallin Sharciyada ka yahay Dalka France.

Maamulka Farmaajo ayaa ku biiriyay Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dowladda xil gaarsiinta Mr.Mahdi Guuleed inuu ka mid noqdo Qareenada.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Somalia iyo Xeer ilaaliyihii ka horeeyay ayaa ka mid ah kooxaha Wakiilka ka Somalia iyo Wariye Yuusuf Garaad.

101640cookie-checkQareenada Somalia U Doodaya Kiiska Dacwada Badda