Geel ku Sumoobay Geedo ay Ka Daaqeen Deegaanka Somalida Ethiopia

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanada Kilinka Somalida-Ethiopia ayaa sheegaya in tiro badan oo ku dhawaad 124 neef oo Geel ah ayaa ku sumoobay duleedka caasimadda degaanka Soomaalida ee Jigjiga, kadib markii ay daaqeen geedo ku yaalay aaggaas…

Wararka ayaa in Geelan oo ka koobnaa 150 neef oo geela ah ayaa waxa uu kasoo hayaamay dhinaca degmada Xarshin ee gobolka Faafan, isagoo ku socday degmada Gursum ee isla gobolka Faafan, balse markii uu geelu soo gaaray duleedka magaalada Jigjiga ayaa geedo sun ahaa oo uu daaqay waxay sababeen dhimashada ku dhawaad 124 neef oo Geel ah.

Mid kamid ah dadkii geelan lahaa oo la socday geela ayaa Warbaahinta u sheegay in geela intii ay dhexda kusoo jireen uu meelo kala duwan ka daaqay geedo dhawr ah, oo uu ku jiro geedka Ciinka loo yaqaano kaddibna ay arkeen geelii oo dhimanaya.

Dhinaca kale dhakhaatiir ka socotay Xafiiska Xoolaha ee degaanka Soomaalida ayaa gaaray goobtan uu geelu ku dhintay, si ay usoo baaraan waxa keenay in geelu ku sumoobo geedahan, sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah masuuliyiinta Xafiiska Xoolaha ee dowlad degaanka Soomaalida.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee ka dhacda degaanka Soomaalida, iyadoo hadda ka hor sidan oo kale uu geel badan oo daaqay geedo sun ah ay ugu dhinteen degmada Gursum ee gobolka Faafan.

198250cookie-checkGeel ku Sumoobay Geedo ay Ka Daaqeen Deegaanka Somalida Ethiopia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com