Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Codka Kalsoonida Siiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub

Somalia news

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta oo ah 25ka June 2022 codka kalsoonida siiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo uu Magacaabay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud 15kii June 2022…

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hortagay Golaha Shacabka ayaa ugu horreyn waxa uu sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad Dalka ka saari karta Xaaladda adag ee Bania aadamnimada, Dhaqaalaha & dhinacyada kale wuxuuna ka codsaday iney kalsoonida siiyaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa codeynta kaddib ku dhawaaqay natiijada iyo tirada Xildhibaannada fadhiga maanta joogtay.

“Fadhiga Golaha Shacabka waxaa soo xaadiray 220 Xildhibaan, waxaa u codeysay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre dhammaan Xildhibaannada oo ah 220 Mudane, wax diiday ama ka aamusay ma jiraan, sidaas awgeed waa ansax Ra’iisul Wasaaraha XFS”.

197170cookie-checkXildhibaanada Baarlamaanka Oo Codka Kalsoonida Siiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com