Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Amba-baxay Dalka Mareykanka + Ujeedada Safarka

Somalia news U.S.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Maraykanka, halkaasoo uu kaga qeyb geli doono Meertada 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, kaasoo si rasmi ah u furmi doona 13-27 Bishaan…

Waxaana Hogaamiyayaasha Aduunka kaga arrinsan doonaan Dagaalada ka holcaaya qeybo ka ka mid ah Aduunka, yareynta saboolnimada iyo horumarinta Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirade badan yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey waxey hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Somalia ee la xiriira la dagallanka Saboolnimada iyo Argagixisada, kuwaasoo ay Shacabka Soomaaliyeed kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Gobolka.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa Maanta inuu booqasho ku tago xarunta Pentagon-ka, wuxuuna la kulmaayaa Xoghayaha Difaaca USA Gen.Lloyd J. Austin III 12:30 p.m. EDT, maanta oo Khamiis ah, Sept. 15, 2022. sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu Kulamo la yeesho Madaxda USA & Jaaliyadaha Somalia ee ku nool Dalka Mareykanka, inkastoo ay si hoose u socdaan abaabul banaanbaxyo oo Madaxweynaha ah oo ay iska kaashanayaan Jaaliyadaha Mareexaan iyo Majeerteen.

213400cookie-checkMadaxweyne Xasan Sheekh oo u Amba-baxay Dalka Mareykanka + Ujeedada Safarka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com