Ciidamada Dowladda oo Sheegtay iney Dileen tiro badan oo Maleshiyaadka Shababka ka tirsan..

Somalia news

Ciidanka Dowlada Federaalka ee ku sugan magaalada Xaradheere ee Koonfurta Gobolka Mudug  ayaa la sheegay inay howlgal qorshaysan ku dileen 60 ka tirsan kooxda Argagixisada shabaabka, kadib markii ay howlgal ka fuliyeen degaano ku dhow Degmada…

Wararka ayaa sheegay in Dilkaan ayaa ka dambeeyay ka dib howlgal qorsheysan oo Arorti hore ee Saakay Ciidanku ka fuliyeen degaanka Cali -qaboobe oo qiyaastii 30-KM dhanka Koonfureed ka xiga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa Warbaahinta ku hadasha afka Dowlada u sheegay in Ciidamada oo ka war helay Gaari Shabaaab u siday Hub iyo Maleeshiyaad  hubeysan ay fuliyeen howlgalkaan, Gudoomiyaha ayaa sheegay markii lagasoo tago dilka Shabaabka in Ciidamada Dowladda ay gacanta ku dhigeen Hubkii ay wateen iyo labo gaari.

254150cookie-checkCiidamada Dowladda oo Sheegtay iney Dileen tiro badan oo Maleshiyaadka Shababka ka tirsan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com