Caruur lagu kala saaray Hidda-Sidaha (DNA)..

Science

Waxaa markii ugu horeysay qaabka casriga ah ee baarista dembiyada loo adeegsaday farsamada Forsenic Science, iyadoo baarista saleynaayo Hidda-Sidaha (DNA), waxaana Dalka horey looga isticmaali jiray Baarista, Faraha, Raadka, tinta iyo dharka dhiiga leh.

Sida uu ka dhawaajiyay madaxa Hey’addaasi, Dr.Cabdirashiid Maxamed Shire, In ka badan 50-kiis oo ku saabsan Caruur Su’aalad laga keenay Ciidamada dhashay, ayeey ku guuleysteen iney saaraan natiijo dhinacyada ku wada qaadeen, wuxuuna sheegay iney adeegsadeen Tijaabada Aadanimada DNA oo afka qalaad lagu yiraahdo (Paternity Testing), Degaanada Puntland.

Hanaankaan ayuu sheegay Dr.Shire wuxuu soo saaray maxsuulka su’aasha aheyd cidda dhashay caruurta muranka ka tagneyd, wallow ay jiraan wadooyin kale, balse badi caruurta ayaa lagu aqoonsaday hanaanka (Short Tandem Repeat), iyadoo la isticmaalo Marka la doonaayo in la kala saaro laba qof iyo wixii ka badan.

Baaritaanka Forsenic Science oo lagu saleeyo Dhecaanka, dharka uu watay ruuxa la dhibaateeyay, meesha ay wax ka dhaceen (Crime Scene), iyadoo kiisas badan xukunkooda lagu saleeyay Baarista Hidda-sidaha (DNA), Sida Kufsiga iyo dilalka, ayna Maxkamadaha Puntland go’aanadooda ku saleeyeen Baarista Dhecaanka.

Farsamadaan oo ku cusub Somalia, ayaa la sheegay in Maamulka Puntland ay ka gacan siiyeen Deeq qalab iyo Khubaro oo baarista hiddo-sidaha ah.

17150cookie-checkCaruur lagu kala saaray Hidda-Sidaha (DNA)..