Maxaa Ka Run ah Wasiirada Gadiidka ay Hortageyso Fadhiga Baarlamaanka..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa fadhiga Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia oo maalinta berri ah su’aalo ku weydiin doonaan Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowso Cismaan Cigaal oo sabab u aheyd Tacadigii weynaa ee Todobaadkaan ka dhacay Garoonka Aadan Cadde…

Wasiirada ayaa lagu eedeeyay iney is hortaagtay Rakaabka Safarada gudaha ee Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo lacag baad ah oo dhan ka rabtay in Shirkadaha diyaaradaha ku dalacaan Rakaabka taaso dhan 9-US$ una xil saaratay Shirkad ay shuraako ku yihiin Villa Somalia.

Dhawaan ayeey (Wasiiradu) ka baaqatay u yeeristii Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka balse hadda waxaa looga yeeray fadhiga Golaha, xili ay weysan tahay qaab ay u maareyso falkii ku-takrifalka ahaa ee ka dhacay Garoonka Aadan Cadde.

313490cookie-checkMaxaa Ka Run ah Wasiirada Gadiidka ay Hortageyso Fadhiga Baarlamaanka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com