Mareykanka Oo Xayiraado Ku Soo Rogaaya Dalalka Ethiopia & Eritrea

Somalia news

Maamulka Washington ayaa qorsheeyay in xayiraad safarada ah (Dal ku gal / Fiisaha) ah la saaro Shaqsiyaad katirsan Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Mr.Abiy Ahmed & Madaxweynaha Eritrea Mr.Isaias Afwerki kadib dambiyo dagaal oo ay ka geysteen Ismaamulka Tigray ee Waqooyiga Ethiopia

Wararka ayaa sheegaya in Faragelinta ka dhalatay doodda dib u dhigsta Doorashada Ethiopia ee sanadkii tagay, waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac, Barakac & Burbur xooggan, waxaana intaas dheer dilal aan kala sooc lahayn, Kufsiga Haweenka & beegsiga shaqsiyaadka qaar, iyo Dagaalada ka socda Gobolka Tigray.

Wargeyska Foreign Policy (FP) oo daabacay xogta sheekadaan waxa uu sheegay in la helay caddeymo muujinaya qaar kamid ah dambiyada ay geysteen Ciidamada iskaashanaya ee Ethiopian-ka & Eritrea-anka ah.

Mareykanka uma ogolaan doono in dal ku galka (Fiisaha) uu ku dhufto baasaboorada shaqsiyaadka loo arko in ay kaalin ku lahayeen tacadigaas, taasi micnaheedu waa in ay ka caagganaan doonaan in ay u safraan Dalkaas.

Muuqaallo lasoo duubay waxaa ka dhex muuqday Ciidamada Ethiopia oo dad meel isugu geeyay kadibna tooganaya, qaarkood waa ay ciqaabayeen halka gaadiid ay kala degeen Dad naftooda kala baxsanayay dagaalka culus ee ka dhacay Ismaamulka Tigray.

120200cookie-checkMareykanka Oo Xayiraado Ku Soo Rogaaya Dalalka Ethiopia & Eritrea