Qaybta VIP-da Ee Stadium Muqdisho Oo la Dhameystray

Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa tiro Gaadiidka xamuulka ah oo Maalintii shalay ka soo wadayaasha Dekeda Magaalada Muqdisho 8,60 kursi, oo loogu talagalay qaybta VIP-da ee Stadium Muqdisho….

Sii Hayaha Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha ayaa sheegtay in kuraastii Dekeda Muqdisho laga soo qaaday lagu bilaabay in lagu xiro qaybta maamuuska sare ee garoonka cayaareed ee dalkeena ugu weyn.

“Kuraasta VIP-da ee Garoonka Cayaaraha Muqdisho (Stadium Muqdisho) waa 5,00 oo kursi, qaybta kale ee VIP-dana waa 3,60 kursi. Guud ahaan waa 8,60 kursi oo laga soo saaray Dekeda Muqdisho, maanta ayaana lagu bilaabay garoonka.” Ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye oo xalay warkan ku sheegtay barteeda Twitter-ka.

Daba-yaaqadii bishii May ayaa la soo geba-gabeeyay dib u habayn ballaaran, oo muddo dheer lagu waday Stadium Muqdisho, waxaana Dowladda Somaliya ka caawiyay Ururka Midowga Yurub iyo Dowladaha Norway iyo Holland.

57300cookie-checkQaybta VIP-da Ee Stadium Muqdisho Oo la Dhameystray